DEG DEG:-Xildhibaan Ka Tirsan Hirshabeelle Oo La Qafaashay+Alshabaab Oo Sheegatay

0
431

DEG DEG:-Xildhibaan Ka Tirsan Hirshabeelle Oo La Qafaashay+Alshabaab Oo Sheegatay

Allaha u naxariistee waxaa saakay deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Al-shabaab ay ku dileen Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad oo ka tirsanaa Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Xildhibaanka ayaa marka hore waxaa la sheegay in lagala degay gaari nooca Soomaalida u taqaano Hoomey-da oo uu socday ayna saarnaayeen dad shacab ah oo kasoo baxay Jowhar, hayeeshee xili uu marayay wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ay rag hubeysan gaariga kala degeen Xildhibaankaas.

Intaas kadib ayaa waxaa la tilmaamay in Xildhibaan Siyaad lala aaday dhinaca deegaanka Yaaqle oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ugu dambeyn lagu dilay Xildhibaanka oo Caan ahaa.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada falka lagu dilay Xildhibaan Maxamed Siyaad oo ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

Al-shabaab ayaa qoraalkooda ku sheegay in Gaariga ay Xildhibaanka kala degeen uu kusoo jeeday Magaalada Muqdisho, kaasi oo kasoo ambabaxay Magaalada Jowhar, balse gacanta lagu dhigay, uuna falkaas ahaa mid qorsheysan.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan Xildhibaanka ka tirsanaa Maamulkooda ee saaka Al-shabaab ku dileen deegaanka deegaanka Yaaqle.

Wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro toos ah iyo Qaraxyo lagu dilay Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, Saraakiil Ciidan iyo kuwa AMISOM ah, waxaana Mas’uuliyada weeraradaas sheegtay Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here