DEG DEG -Weerar Khasaaro Geystay Oo Lagu Qaaday Magaalada Kismaayo

0
401

DEG DEG -Weerar Khasaaro Geystay Oo Lagu Qaaday Magaalada Kismaayo

Wararka aan ka helayno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ahan Caasimadda ku meel gaarka ah ee maamul Goboleedka Jubbland ayaa waxaa ay ku warramayaan in xalay weerar Bombaano laguqaaday Magaaladaas.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Bombaanooyin lagu tuuray Goob Maaqayad ah oo ay ku caweynayeen dad shacab ah, waxaana lasoo sheegayan in khasaare soo gaaray dadkii ku sugnaa Goobta Bamka lagu tuuray.

Weerarka ayaa lagu qaaday sida Goob joogayaal ay inoo Sheegeen Goob lagu caweeyo oo ku taalla xaafadda guulwade ee Magaalada Kismaayo, waxaana goobtu ay ahayd marka falku dhacayay mid ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo farabadan.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacantay Seddex ruux, waxaana dhawaacyada dadkaasi loo qaaday Cusbitaalada ku yaalla Magaaaldaas si xaaladooda Caafimaad loogu daweeyo.

Falka kadib ayaa waxaa goobta ay wax ka dheceen waxaa gaaray Ciidanka ammaanka Jubbaland, iyagoo howlgallo sameeyay ay ku baadi goobayaaan dadkii ku lugta lahaa weerarkaas khasaaraha dhaliyay, mana jirto sida la sheegay dad loo soo qabtay falkaasi.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG u Maamulka Jubbland ayaa waxaa ka dhaca falalka isugu jira Qaraxyada iyo dilalka Qorsheysan, waxaana laaamaha ammaankua y ku cel-celiyaan in ay wax ka qabanayaan, balse is beddal dhab ah ma muuqdo sida ay sheegeayaan dadka degaanka eek u nool Magaaladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here