DEG DEG : Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisada u Dhaxeysa Somaliland iyo Puntland

0
490

DEG DEG : Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisada u Dhaxeysa Somaliland iyo Puntland

Xiisad u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland ayaa ka taagan deegaano katirsan gobolka Sanaag, waxaana labada Dowladood halkaasi geeyeen ciidamo badan oo laga cabsi qabo in ay isku dhacaan.

Somaliland ayaa ciidano badan oo Milatari ah soo galisay deegaano katirsan gobolka Sanaag oo Puntland hoostaga, waxa ayna ciidamada durba la wareegeen deegaano ay kamid tahay Yubbe oo Puntland maamuleysay.

Ciidamo badan oo katirsan maamulka Puntland ayaa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay iyana gaareen deegaano katirsan gobolka Sanaag gaar ahaan meelo aan ka fogeyn halka ay yimaadseen Ciidamada Somaliland.

Madaxtooyada maamulka Puntland qoraal shalay laga soo saaray ayaa lagu sheegay in uu ka dhamaaday dulqaadka ayna iska difaacayaan daandaansiga iyo weerarka uga imaanaya maamulka Somaliland.

Shacabka ku dhaqan deegaanada ay xiisadu ka jirto ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xoogan, waxa ayan shacabku ka cabsi qabaan in ciidamada labada maamul ay korkooda ku dagaalalamaan.

Somaliland iyo Puntland ayaa marar badan waxaa dhax maray dagaalo xoogan oo salka ku hayay gacan ku heynta deegaano iyo degmooyin labada dhinac isku heestaan, waxaana dagaaladii ugu dambeeyay ka dhaceen aaga Tukaraq ee gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here