DEG DEG : toobiya Oo Joojisay Maalgashigii Ay Ku Laheyd Dekadda Berbera
Wargeyska Capital ee ka soo baxa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, ayaa sheegay in si buuxda loo joojiyay maalgashigii 19% ee ay Itoobiya ku lahayd horumarinta iyo ballaarinta dekedda Berbera.
Wargeyska Capital oo warbixin dheer ka qoray qorshe ay Itoobiya ku doonayso inay deked kaga samaysto dalka Suudaan, ayaa wuxuu gunaanadka warbixintiisa ku sheegay in Itoobiya ay saami dhan 19 % ku lahayd horumarinta dekedda Berbera, wuxuuse sheegay in toddobaadkan la soo wariyay in mashruucaas gebi ahaantiiba la joojiyay.
“Itoobiay waxay saami ah 19% ka qaadatay horumarinta dekedda Berbera, laakiin waxa toddobaadkan la soo weriyay in mashruuca si buuxda loo joojiyay.” Ayuu wargeysku ku yiri warbixintiisa.
Wargeysku, ma sheegin cidda uu xogtan ka soo xigtay, laakiin qaybo ka mid ah warbixintan wuxuu wargeysku ku waraystay Wasiirka gaadiidka Itoobiya Dagmawit Moges oo sharaxday qorshaha ay Itoobiya ku doonayso inay deked kaga samaysato dalka Suudaan, laakiin wasiirku ma soo hadal qaadin arrinta dekedda Berbera ee Somaliland.