DEG DEG : Shirka Madaxda DF Iyo Maamul Goboleedyada Oo Goordhow Furmay

0
455

Shirka Madaxda DF Iyo Maamul Goboleedyada Oo Goordhow Furmay

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa Goordhow waxaa si rasmi ah uga furmoay wejiga labaad ee Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Dhuusamareeb ka socday kulamo gaar-gaar ah oo Madaxda ay yeelanayeen, kuwaasi oo hordhac u ahaa Shirka wadatashiga ee daqiiqado kadib furmi doona, waxaana kulamada gaar gaarka ah lasoo Gaba-gabeeyay Maanta.

Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa weli isku mari la’ qodobada qaar ee si aadka ah ay uga doodeen, waxaana kamid ah Arrinta Doorashada oo aan weli la isku raacin nooca ay noqoneyso.

Shirka u furmay Madaxda waxaa uu Ajendihiisu yahay Khubad jeedinta dhammaan Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo Khudbadaha lagu saleyn doono Arrimo kala duwan, waxaana Mas’uul kasta la siiyay 10 daqiiqo.

Xarunta Madaxtooyadda ayaa waxaa ku sugan Madax kala duwan, waxaana Madasha Shirka furitaankiisa Heshiis ka qaaday fanaanka Caank ah Khada Ibraahim Cali (Khadar Keeyow) oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here