DEG DEG:-Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
366

DEG DEG:-Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow waxaa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay qeyb kamid ah Degmada Yaaqshiid, waxaana kasoo baxaya weerar kala duwan.

Qaraxaas oo ahaa mid loo adeesagay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lagu weeraray Xero ay degan yihiin Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku taalla dhabarka dambe ee Xarunta Xisbiga iyo Stadium Muqdisho.

Uuro madow ayaa cirka isku shareertay qaraxa kadib, isla markaana waxaa la maqlayay rasaas xoogan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka ee ku sugnaa meel aan sidaas uga forey, halka la weeraray.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ayaa si Deg deg ah u tegay goobta, isla markaana waxaa la xiray aaga, iyadoona halkaas ay ka jirto xaalad cakiran oo ay adeg tahay in xog la helo.

Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Mgaalaada Muqdisho, laguna weeraray Xerada Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku taalla agagaarka Xarunta Xisbiga iyo Stadium Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here