DEG DEG : Madaxweyne Erdogan oo mar kale la doortay iyo tirada codadka uu helay

0
168

Madaxweyne Erdogan oo mar kale la doortay iyo tirada codadka uu helay

Waxaa goordhaw soo dhammaaday tirinta codadka wareegii labaad ee doorashada madaxweynaha ay ku tartamayeen Madaxweyne Rajeb Dayib Erdogan iyo hoggaamiyaha ugu weyn ee mucaaradka Turkiga Kemal Kilicdaroglu.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha Turkiga, waxa uuna helay codadkii la dhiibtay in ka badan 52%, sida shaacisay walaaladda wararka ee AFP.

Codadkii ilaa hadda la tiriyay ayuu Erdogan ku guuleystay 52.3 boqolkiiba, halka Kemal Kilicdaroglu uu helay 47.7 boqolkiiba, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Guusha madaxweyne Erdogan ayaa si weyn loo saadaalinayay, waxa uu hoggaamiyahan taageero ka helay musharaxii ku haray kaalinta saddexaad ,kaa oo taageerayaashiisa ugu baaqay in codkooda siiyaan Erdogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here