DEG DEG : Kiisas Hor Leh Oo Cudurka Coronavirus Oo Maanta Laga Helay Muqdisho

0
512

DEG DEG : Kiisas Hor Leh Oo Cudurka Coronavirus Oo Maanta Laga Helay Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Caawa xaqiijisay in dad Cusub oo qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus laga helay gudaha Magaalada Muqdisho, waxaana Cudurka u muuqdaa mid kusii faafaya Caasimadda.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in Maanta oo sabti ah la diiwaan geliyay 19 xaaladood oo cusub. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 135 xaaladood.

Sidoo kale Wasiir Fowsiya Abiikar ayaa tilmaamtay in Cudurka ay Maanta Magaalada Muqdisho ugu geeriyoodeen laba ruux oo kamid ahaa bukaano horey loo diiwaan-geliyay, waxaana tirada dhimashada ay noqotay 7 Qof.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay si saxan u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta cudurka maadaama uu si xawaare leh dalka ugu faafayo, muhiimna ay tahay in laga wada shaqeeyo bed-qabka umadda.

Dowladda Soomaaliya oo daryeelka bulshada uu u yahay muhiimadda Koowaad ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta cudurkaan COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here