DEG DEG : Khilaafkii Madaxtooyada Somaliland Iyo Xisbiyada Mucaaradka Oo Xal Laga Gaaray
Waxaa maanta oo Khamiis ah kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaasha Xisbiyada mucaaradka,iyada oo kulankaas looga hadlay arrimo kala duwan.
Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyada aysan jirin cid kale oo kulanka ku wehlinaysay.
Dhinacyada ayaa heshiis ka gaaray hanaanka doorashada Soomaaliland oo in mudda ah ay isku mari la’aayeen xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ah hogaamiyaashooda.
Ugu dambeyntii guddoomiyaasha xisbiyada Mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isku raacay heshiis dhowr qodob ka koobnaa waxaana ka mid ah.
1: Somaliland waa in ay doorashada Golaha barlamaanka Iyo Golaha degaanka La qabtaaa Bisha 9-aad ee sanadkaan 2020.
2: Waxa doorashada Maamulaaya Koomishankii Hore ee Qaranka oo Lagu daray Saddex Xubnood oo beesha Caalamka Ah.
3: Dhamman Xogaha Iyo Ducmentiska Doorashooyinka Somaliland Waxa Maamulaaya 3 ruux oo ka Socda Midowga Yurub.