DEG DEG : Hoggaamiyihii Xamaas oo lagu dilay Dalka Iiraan

0
63

Hoggaamiyihii Xamaas oo lagu dilay Dalka Iiraan

Hoggaamiyihii Dhaqdhaqaaqa Xamaas ee dhanka Siyaasadda Ismaaciil Haniyah ayaa lagu dilay Magaalada Tehran ee Caasimadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan kaddib markii uu ka qaybgalay xafladda Caleema-saarka ah Madaxweynaha cusub ee Dalkaas.

Wakaaladda Wararka Dalka Iiraan ayaa baahisay xogtaan iyada oo daqiiqo kaddib baahintaas ay isaga kala gudubtay dunida waxaana ka falceliyay Malaayiin ruux oo siyaabo iska soo horjeeda uga hadlay dilka Hoggaamiye Ismaaciil Haniyah.

War kasoo baxay dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa lagu xaqiijiyay Geeriyda Hoggaamiyahooda Ismaaciil Haniyah waxaana intaas lagu sii daray in ay ka dambeeyeen cadawga Falastiin ee Sahyuuniyadda oo gurigiisa ku beegsaday.

Ismaaciil Haniyah ayaa dhowaan xubno kamid ah qoyskiisa waxa ay ku dhinteen weerarrada Israaiil ay ka fulisay Magaalada Gaza waxaana uu sheegay hadal dad badan ku dhiirrageliyay in ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Yuhuudda.

Haniyah ayaa Magaalada Gaza waxa uu bannaan-joog ka ahaa tan iyo sanadkii 2019kii waxaana fadhigiisa ugu weyn uu ka dhigtay Dalka Qatar inkasta oo waddamo badan oo Carab iyo kuwo kale uu marar kala duwan tagay.

Sooyaalka Hoggaamiyaan la dilay

Magaciisa oo dhammeystiran waa Ismaaciil Cabdulsalaam Axmed balse waxa uu ku magac dheeraa kuna caanbaxay (Ismaaciil Haniyah) waxa uu ku dhashay Xerada Al-Shati 29kii Janaayo sanadkii 1962dii, waxa uu soo noqday Ra’iisul Wasaare intii u dhaxeysay 29 March 2006 ilaa 2 June 2014.

Waxbarashada aasaasiga ah waxa uu kusoo qaatay Iskuullada ay maamulaan Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay balse heer Jaamacadeed waxa uu wax ka daraaseeyay Jaamacadda Gaza, waxa uu kamid noqday xubnaha waqtiga kusoo qaatay Xabsiyada Israaiil.

Geeridii hoggaamiyihii Xamaas ee Sheekh Axmed Ismaaciil Xasan oo ku magac dheeraa (Axmed Yaasiin) kaddib ayuu noqday qof qaban kara hoggaaminta dhanka Siyaasadda oo waxaa lagu arkay sifooyin muujinaya in uu howshaas qaban karo.