DEG DEG : Gaari qaraxyo saaran yihiin oo Liido yaalla iyo ciidamada ammaanka oo…

0
46

Gaari qaraxyo saaran yihiin oo Liido yaalla iyo ciidamada ammaanka oo…

Xaalada xeebta Liido ee magaalada Muqdisho oo xalay ka dhaceen qaraxyo iyo weerar toos ah ayaa hadda degan, waxaana halkaasi ku sugan ciidamada ammaanka Soomaaliya oo wada howlgallo ay amniga ku xaqiijinayaan iyo baaritaanno.

Maqaayadii xalay weerarka lagu qaaday ee Beach View iyo goobaha ku dhaw dhaw waxaa ka muuqda radaadka weerarkii xalay halkaasi ka dhacay, waxaana meel kasta yaalla dhiigga dadkii xalay weerarka ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

Ciidamada ammaanka ayaana xiray waddooyinka laga galo xeebta Liido , gaar ahaan aagii uu weerarku ka dhacay, waxa ayna xubno katirsan ciidamada sheegeen in uu halkaasi yaallo gaari laga shakisan yahay in ay qaraxyo saaran yihiin, kaa oo la sheegay in ay wateen raggii weerarka ku galay hotelka.

Sida aan xogaha ku heleyno ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa miino baarista qaabilsan ayaa wada deddaalo ay ku ogaanayaan in gaariga qaraxa laga shakiyay ee yaalla xeebta Liido qaraxyo saaran yihiin, iyo sidii dadka looga badbaadin lahaa haddii gaariga qaraxyo lagu arko.

Xeebnta Liido qeybo kamid ah waxaa xalay ka dhacay gumaad halkaasi loogu geestay dad shacab ah oon waxba galabsan, waxaana halkaasi si micnodarro ah loogu daadiyay dhiigga dhallinyaro Soomaaliyeed oo aaminay in ay dalkooda ku noolaadaan.