DEG DEG : Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Garoonka diyaaradaha Garowe

0
637

DEG DEG : Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Garoonka diyaaradaha Garowe

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in Ciidamo gadoodsan ay la wareegeen garoonka diyaaradaha Jen. Maxamed Abshir, iyadoo ciidamadan ka soo baxay aagga dagaalka Tukaraq.

Sida wararku sheegayaan Ciidamadan ayaa ka cabanaya mushaar la’aan, waxaana ay la wareegeen qeybo ka mid ah waddooyinka looga galo garoonka diyaaradaha.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan kuwa Madaxtooyada ay dadaal ugu jiraan xalinta tabashada ay qabaan ciidamada ee mushaar la’aanta.

Tallaabada ay Ciidamadan kula wareegeen garoonka diyaaradaha Garowe ayaa ku soo aadaya, iyadoo wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ay ku sugan yihiin magaalada Garowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here