DEG DEG : Baarlamaanka Somaliya Oo Laalay Doorashadii Dadbanayd Unaca Codeeyay Doorasho Qof Iyo Cod Ah

0
368

DEG DEG : Baarlamaanka Somaliya Oo Laalay Doorashadii Dadbanayd Unaca Codeeyay Doorasho Qof Iyo Cod Ah

Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka Somaiya ayaa maanta waxa ay dood adag oo xasaasiya ka yeesheen mooshin ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka somaliya kaas oo ku saabsanaa in dib loogu noqdo doorashadii xisbiyada badan lagana noqdo doorashada dadban ee ay madaxda somalidu isku mari waayeen

gudoomiyaha golaha shacabka somaliya oo kulanka ka hadlay ayaa xildhibaanada  baarlamaanka somaliya u sheegay in go’aanka ay maanta gaadhaani saamayn ku yeelan doona hanaanka geedi usocdka doorashada somaliya go’aankuna uu gacantooda ku jiro

gudoomiye mursal ayaa xildhibaanada ugu baaqay in ay ka fikiraan waxa ay maslaxada umada somaliyeed ku jirto

Dood Dheer Oo Dhex Martay Xildhibaanada Golaha Shacabka Ka Dib Waxaa Cod La Galiyay mooshinka Ay Soo gudbiyeen Xildhibaanada Qaarkood Waxaana Mooshinkaasi Ogolaaday oo u Codeeyay in dib Loogu Laabto Doorashadii Qof Iyo Cod Iyo Nidaamka Xisbiyada Badan 149 Xildhibaan Halka Ay Sadex Xildhibaana Diideen Sidoo Kalena Ay Uu Hal Xildhibaan Ka Aamusay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here