DEG DEG : Ammaanka Xarunta Guddiga Doorashada Somaliland Oo La Adkeeyay

0
334

DEG DEG : Ammaanka Xarunta Guddiga Doorashada Somaliland Oo La Adkeeyay

Ammaanka Xarunta Guddiga komishinka doorashooyinka Somaliland ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa siweyn Maanta loo adkeeyay, waxaana halkaas la geeyay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Guddiga Komishinka, iyadoona la filayo in saacadaha soo socda ee Maanta lagu dhawaaqo natiijada doorashadii ka dhacday Magaalada Hargaysa.

Sidoo kale Guddiga ayaa ku dhawaaqi doona natiijada hordhaca ee doorashooyinka Golayaasha Wakiilada iyo deegaanka ee degmada Gebilley, iyadoona horey loo shaaciyay natiijooyinka hordhac ee degmooyinka.

Illaa iyo haatan natiijooyinka hordhaca ah ee golaha wakiillada ee la shaaciyay ayaa xildhibaannada ku soo baxay ku jirin wax haween ah, waxaana Goleyaasha deegaanka oo ka kooban 20 degmo doorasho si horudhac loo shaaciyay, halka 18 degmo ay laba kamid ah harsan yihiin oo kala ah Hargaysa iyo Gebilley.

Tallaabada lagu adkeeyay amniga Xarunta Komishanka ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa waxaa ay tahay, kadib markii dad careysan ay saakay xirteen wadada isku xirta Hargeysa iyo Gebilley, isla markaana uu hakad galay isku socodka gaadiidka.

Sababta ay u xirteen wadada ayaa lagu sheegay inay ka careysnaayeen dadka inuu soo bixi waayey nin ka sharaxnaa Xisbiga UCID oo u tartamayey Golaha degaanka degmada Gebiley, iyadoona dadka taayaro ku gubayay bartamaha wadada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here