DEG DEG : 10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Galgaguud

0
666

DEG DEG : 10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Galgaguud

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen dagaal maanta gobolka Gal-Gaduud ku dhex maray maleeshiyada ururka Al-Shabaab iyo dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Goolegoole oo 80 km dhinaca Koonfureed ka xiga magaalada Guriceel.

Wariyaha VOA-da Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa dagaalkaasi ka wareystay Maxamed Sheekh Maxamed oo ka mid ah Maamulka degmada Ceel-Buur ee Gobolka Galguduud – oo ka mid ahaa saraakiil hogaamineysay ciidamo uu maamulka Galmudug u diray goobta lagu dagaalamay, si ay u caawiyaan dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here