Dayax-gacmeed Ruushku leeyahay oo la shaaciyay in uu ku dul burburay dayaxa

0
184

Dayax-gacmeed Ruushku leeyahay oo la shaaciyay in uu ku dul burburay dayaxa

Wakaaladda sahanka hawada sare u qaabilsan dowladda Ruushka ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in uu bur buray dayax-gacmeed lagu magcaabo Luna-25 oo dowladda Ruushku hawada sare u dirtay.

Dayax-gacmeedka ayaa wakaaladdu sheegtay in hawada sare ugu dhaqaaqay si aan horey loo qorsheyn, waxaana lumay xiriirkii isgaarsiinta dayax-gacmeedka kahor inta uusan ku dhicin oogada sare ee dayaxa.

Waxaa la qorsheeyay in dayax-gacmeedkan loo diray hawada sare inuu ku dego cirifka koonfureed ee dayaxa, shalay oo Isniin aheyd, iyada oo la filayay in toddobaadkan dhammaadkiisa uu isna dayaxa gaaro.

Saynisyahannada ayaa raadinaya in ay xog badan ka helaan cirifka koonfureed ee dayaxa, halkaas oo lagu tuhmayo biyo mustaqablka dhaw loo bedeli karo hawo ay isticmaalaan cirbixiyeennada iyo weliba shidaal ay ku shaqeeyaan gantaallada xambaara dayax-gacmeedada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here