Dawladda Iran oo Si Cad udiiday Wadahadal ayla gasho Maraykanka “Akhri Fah faahinta”

0
307

Dawladda Iran oo Si Cad udiiday Wadahadal ayla gasho Maraykanka “Akhri Fah faahinta”

Dawladda Iran ayaa waxa ay diiday in ay la kulanto Maraykanka iyo midawga Yurub kaasi oo looga hadlayo heshiiska Niyukliyeerka Iran,Waxayna sheegtay in Maraykanku uu qaado Cunaqabataynta uu kaligii soo rogay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in waqtigii ku habboonaa aanay joogin wadahadallada ay Midowga Yurub ku baaqeen.

Mareykanka ayaa sheegay inuu arrintaas ka niyad-jabay hasayeeshee uu diyaar u yahay “inuu markale bilaabo wadaxaajod dublamaasiyadeed” oo arrintan laga yeesho.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareeraysay tan iyo intii uu 2018 Mareykanka isaga baxay heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan.

Madaxwaynihii waqtigaas xilka hayay Donald Trump ayaa dib Iiraan ugu soo rogay cunaqabatayntii si dib uga xaajoodaan heshiiskii 2015. Iraan ayaa arrintaas diidday oo kaga jawaabtay in ay dib uga laabato qaar ka mid ah qodobadii ugu muhiimsanaa ee ku jiray heshiiskaasi.

Mareykanka ayaa isaga oo uu Madaxweyne Joe Biden hogaaminayo waxa uu haatan muujiyay inuu diyaar u yahay in marka uu dib ugu biiro heshiiskaasi. Balse xukuumadda Washington ayaa ku adkaysanaysa in Tehran ay qasab tahay inay si buuxdo dib ugu hogaansanto heshiiskii lala galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here