Dawlada Somaliland Oo Xaqiijisay In Ganacsatada Laga Joojiyey Shiidaalkii Ay Keeni Lahaayeen Bisha October

0
449

Dawlada Somaliland Oo Xaqiijisay In Ganacsatada Laga Joojiyey Shiidaalkii Ay Keeni Lahaayeen Bisha October

Hargeysa (Dalmar-News)-Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiiqo ku tilmamaatay war uu shalay baahiyey Wargeyska Geeska Afrika, warkaas oo nuxurkiisu ahaa in Xukuumadda Somaliland joojisay Shidaalka dalkan iman lahaa bishan iyo bisha dambe, isla markaana amarkan lagu joojinayo shidaalka uu soo saaray Maareeyaha Haamaha Shidalka.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo Wargeyska Geeska Afrika weydiiyey warkan, ayaa yidhi “Haa waa dhab oo Warqadaasi way jirtaa, waxaana warqadan soo saaray Maareeyaha Haamaha Shidaalka, Xukuumadduna mar walba danta dadka iyo dalka ayey eegaysaa, markaas imikana arintan waxaad weydiin kartaan oo jooga Maareeyaha Haamaha Shidaalka Xasan”.

Dhinaca kale Wasiirka Ganacsiga ayaa ka gaabsaday inuu na siiyo faah-faahin ku saabsan arintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here