Dagaal Laba beelood dhexmaray Oo Ka Dhacay Duleedka Berbera

0
409

Dagaal Laba beelood dhexmaray Oo Ka Dhacay Duleedka Berbera

Dagaal u dhaxeeyey maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay deegaanka Beeyo oo ku yaalla duleedka magaalada Berbera.

Ugu yaraan Lix qof ayaa dagaalkan ku dhimatay, iyadoo dhaawacuna ka badan yahay 10, sida ay inoo sheegeen dad ku dhow deegaankan lagu dagaallamay.

Weli waxaa halkaasi ka jirta xiisad xooggan oo ka taagan deegaankan, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Somaliland.

Maleeshiyaadkan ayaa marar badan sidan oo kale ugu dagaallamay deegaankan, mana jirto xal rasmi ah oo laga gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here