DEG DEG : Dagaal U dhaxeeya Somaliland iyo Putland Dagaal Oo Ka Socda Gobolka Sanaag
Somaliland ayaa ka hadlay dagaal Khasaaro gesyaty oo saakay Ciidamo ka tirsan iyada iyo kuwa maamulka Puntland ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Hadaaftimo oo ku yaalla Gobolka Sanaag.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska guud ee Ciidanka Somaliland ayaa waxa lagu sheegay in saakay Ciidamo ka tirsan Puntland ay isku dayeen inay dagaal ka bilaaban deegaanka lagu magacaabo kadhada oo 18 km u jira yube, hayeeshee ay ka horteen Ciidanka Somaliland ee ku sugnaa halkaas.
Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Taliska Ciidanka Somaliland ayaa waxaa ay guulo uga sheegteen dagaalkii ay la gaeen Ciidanka Puntland, iyagoona tilmaamay inay ka qabsadeen gaadiid iyo hub.
Dhinaca kale Somaliland ayaa Puntland ku eedeeysay in shalay Guddoomiyaha Degmada Badhan ee Somaliland ay weerar kusoo o qaadeen Ciidanka Puntland, hayeeshee ay iska difaaceen weerarkaaas oo ay tilmaameen in lagu dili rabay Guddoomiyaha Badhan ee Somaliland.
“Waxaa jira inay puntland ciidamadoodu weerareen shalay 25/2/2020 barasaabka laas qoray ee Somaliland isku dayeena inay dilaan , hase ahatee ilaahay ka badbaadiyay , waxay daandaasi joogta ku hayaan dadka Somaliland ee degan badhan iyo degaanada ku hareeraysan, Saaka abaaro 6 30 subaximo , waxay ciidamada puntland isku day dagaal ka bilaabeen degaanka kadhada oo 18 km u jira yube , halkaana waxaa isku haleelay ilaalada hore ciidanka qaranka iyo dagaal oogayaasha ciidanka puntland halkaas oo ciidanka dhirbaaxo lama ilawaana ku dhuftay kana soo hooyeen guulo iyagoo ka qabsaday hub iyo gadiid intaba” ayaa lagu yiri Qoraalka Taliska Guud ee Ciidamada Somaliland.
Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa soo sheegay inay maqlayeen Jugta rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayan Ciidamada maamulada Soomaaliland iyo Puntland.
Ilaa iyo hada si rasmi ah looga oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag, ee dhexmaray Ciidanka Somaliland iyo Puntland, weli ka jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Puntland oo ku aadan dagaalkaas.