Dagaal Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Muqdisho Iyo Dhinacyada Uu Dagaalka Ka Dhexeeyay

0
473

Dagaal Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Muqdisho Iyo Dhinacyada Uu Dagaalka Ka Dhexeeyay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaal xoogan oo xalay ka dhacay xaafaddo ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu xoogiisu ka dhacay xaafadaha Tarabuush iyo Kaawo Gudey ee Degmada Wadajir, wuxuu sigaar ah u dhexmaray Ciidamo ka tirsan Booliska kuwa Milateri ah oo ku sugnaa halkaas.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in dagaalka uu yimid, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay howlgal ka bilaabeen xaafadda Tarabuush oo la sheegay in xalay laga tuuray Madaafiic ku dhacday gudaha Xarunta AMISOM ee xalane.

Intaas kadib ayaa Ciidanka Booliska ee waday Howgalka waxaa la tilmaamay inay isku dayeen in baaritaano ay ku sameeyaan Guri uu degan yahay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga oo lagu magacaabo Bile Af-dheere, hayeeshee ay iska caabin kala kulmeen Ciidamo Milateri ah oo la joogay Sarkaalkaas.

Dagaalka dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa ku geeriyooday Afar ruux oo shacab ah, halka dad kalena dhaawac uu soo saaray, kuwaasi oo qaarkood deganaa guryo Jiingado ah.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filiah, Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Xijaae ayaa ku baxay dagaalka ka dhacay Wadajir, iyagoo kala dhex-galay Ciidamada, sidaasina uu ku joogay dagaalka oo socday mudo ku dhow hal saac.

Ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan dagaalkii Khasaaraha geystay ee xalay ka dhacay xaafaddo ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here