Dagaal goos-goos ah oo ka socda Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

0
203

Dagaal goos-goos ah oo ka socda Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool waxaa ka socda dagaal goos-goos ah oo rasaas is dhaafsanayaan Ciidamada Somaliland iyo Maamulka dhowaan looga dhawaaqay magaaladaas e loogu magac dagay SSC-Khaatumo.

Sida uu xaqiijiyay Cabdulqaadir Abshir Xaaji Diiriye oo kamid ah golaha Hoggaanka SSC (Sool, Sanaag & Cayn) waxa uu dagaalka goos-gooska ah uu ka socda Jihada Bariga ee Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

Somaliland ayaa dhanka Maamulka SSC-Khaatumo ku eedeysay in uu leeyahay mas’uuliyadda dagaalka ka socda Bariga Magaalada Laascaanood, halka maamulka SSC uu sheegay in dhinaca Somaliland uu weerarkaas ku qaaday.

Dhinacyada u dooda xuquuqda aadanaha, Bulshada Rayidka iyo Dalalka safaaradaha ku leh Soomaaliya waxa ay cambaareeyeen dagaallada dib usoo laabtay iyaga oo ka digay natiijada aanay wanaagsaneen ee ka dhalan karta.

La soco wixii kasoo kordha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here