Dadka ku dhintay dhul-gariirka ku dhuftay Turkiga & Suuriya oo kor u dhaafay 41,000 oo ruux.
Maalinba maalinta ka dambeysay waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho & tan dhaawac ee ka dhashay Dhul-gariirka ku dhuftay Waddamada Xad-wadaagga ah ee Turkiga iyo Suuriya iyada oo weli ay socoto howsha lagu raadinayo Dadka la waayay.
Guud ahaan Dadka Dhintay Turkiga iyo Suuriya ee la xaqiijiyay waa 41,000 (Afartan & koow kun oo ruux), dhaawaca ayaa intaas ka badan, khasaaraha ugu badan waxa uu gaaray Dadka u dhashay Waddanka Turkiga.
Kooxaha gurmadka ee ku howlan ka salgaarista Dadka la waayay waxa ay soosaareen 9 qof oo ku hoos xayirnaa dhismaha dumay, waxaana la geeyay Goobaha Caafimaadka si ay daryeel caafimaad u helaan.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Turkiga ayaa sheegtay in Gobollada ugu badan ee dhibaatooyinka ka jiraan si gaar ah looga howlgeli doonno si raq ama ruux loogu soo helo Dadka la waayay ee halkaas ugu war dambeysay.
Maamulka Gobolka Hatay ayaa tilmaamay in sida uu u socdo gargaarka qaatay in ka badan todobaadka lagu soo heli karo Dad dhintay & kuwa dhaawacyo ah oo dhismaha dumay ku hoos jira balse xogtaas lasoo gudbin doonno marka howlgalka soo idlaado.