Dadka ku dhintay Dhul-gariirka Japan oo gaaray 30 ruux.

0
104
A damaged car stands near a collapsed house, following an earthquake, in Nanao, Ishikawa prefecture, Japan January 2, 2024, REUTERS/Kim Kyung-Hoon

Dadka ku dhintay Dhul-gariirka Japan oo gaaray 30 ruux.

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Japan ayaa sheegay in tirada Dadka ku dhintay Dhul-gariir gaaraya 7.6 Magnitude ay gaartay 30 qof waxaana socda daryeelka loo fidinayo dad kale oo dhaawacyo kala duwan soo gaaray.

Sarkaal katirsan Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa Warbaahinta u sheegay in kumaan ruux ay ku guryo beeleen dhul-gariirkaas waxaana la dejiyay teendhooyin si ay halkaas usii degenaadaan si kumeel-gaar ah.

Magaalada Xeebta leh ee Suzu oo uu saamaynta wayn ku reebay Dhul-gariirka ayaa lasoo wariyay in dadkii degenaa ay isaga tagaan maadaama isniintii & talaalada maanta dhul-gariirku ku dhuftay waa sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Marka laga soo tago Dadka Deegaanka waxa uu sidoo kale Dhul-gariirku saameeyay Dad dalxiisayaal ah oo qaarkood ku sugnaa Hoteello iyo xeebta Magaalada Suzu oo ay ku qaadanayeen fasaxooda billowga sanadka.