Dad Ku Le’day Duqeyn Diyaaradeed Oo Lala Beegsaday Kaalin Shidaal

0
228

Dad Ku Le’day Duqeyn Diyaaradeed Oo Lala Beegsaday Kaalin Shidaal

Ugu yaraan 17 qof oo rayid ah ayaa geeriyootay, 5 kalena wey dhaawacmeen, kadib, markii ay Maleeshiyadda Kooxda Xuutiyiinta ay Gantaal la beegsadeen Kaalin Shidaal oo ku yaalla magaalladda Ma’rib ee W/bari ee Yemen .

Ilo Caafimaad ayaa sheegay in 14 qof la dilay, xilli ay saf uu iraa Kaalinka Shidaalka ee la duqeeyey, halka 3 qof oo kalena ku dhinteen Duqeyn ay Diyaarad Daroon ah la beegdsatay 2 Gaadiidka Gurmadka ee Ambalaasta.

Dowladda Yemen waxay cambaaraysay Duqeynta ay Kooxda Xuutiyiinta xalay ka geysteen magaalladda Ma’rib, laguna dilay dad rayid ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here