Dad Ku Geeriyooday Kiimiko Warshadeed Oo Ku Soo Butaacday

0
346

Dad Ku Geeriyooday Kiimiko Warshadeed Oo Ku Soo Butaacday

8 qof aaa ku geeriyootay, 3 kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii ay Sun ka soo butaacday Wershad lagu farsameeyo Kiimikadda oo ku taalla magaalladda Guiyang ee K/Galbeed ee dalkaasi.

Warbaahinta Qaranka Shiinaha ee Xaalladaha Degdegga ah ayaa sheegtay inay socdaan baaritaano lagu ogaanayo waxa sababay Shilkaasi oo saakayto dhacay.

Kiimikada butaacday waxaa la sheegay inay they Kiimikada laga farsameeyo Sunta loogu tala-galay Cayayaanka.

Shilalka Wershadaha lagu farsameeyo Kiimikadd ee Shiinaha waxaa sanadkii la soo dhaafay u dhintay boqolaal qof.

Sanadkii 2019-kii, Shil ka dhacay Wershad Kiimikada oo ku taalla Bariga dalkaasi waxaa ku naf-waayey 78 qof, halka ay 173 kalena ku geeriyoodeenj shil sanadkii 2015-kii ka dhacay Bakhaar lagu kaydiyo Kiimiko oo ku dhex yaallay Dekedda magaalladda TIYANJIN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here