Dad Ku Dhintay Dab Qabsaday Gaari Ay Saarnaayeen Oo Ka Baxay Muqdisho

0
394

Dad Ku Dhintay Dab Qabsaday Gaari Ay Saarnaayeen Oo Ka Baxay Muqdisho

Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in khasaaro dhimasho & dhaawac ah iyo mid hantiyadeed uu ka dhashay dab qabsaday Gaari ka baxay Magaalada muqdisho kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo.

Gaariga oo ah land Cruiser ayaa la sheegay in uu dab qabsaday xilli uu marayay degaanka Saddex Xiglo ee Gobolka Mudug, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday dabkaas laba ruux halka 5 kale ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku dhaawacmay dabka qabsaday gaariga ayaa waxaa loola cararay isbitaalka guud ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana inta badan dabkaasi ku burburay gaariga.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha keenay dabka, waxaama wararka qaar ay sheegayaan in dabka uu gaariga uu ka dhex-dhashay, maadaama safar dheer oo waqti badan qaatay uu galay.

Maamulka degaanka Saddex Xiglo ee Gobolka Mudug iyo Bulshada degaanka ayaa gaaray halka gaariga uu gubtay, iyaga oo gurmad u sameeyay dadkii waxyeelada kasoo gaartay dabka.

Xafiiska Wararka BoramaNews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here