Dad Ka Careysan Darawal Muqdisho Loogu Dilay Nus Dollar Oo Dhigay Banaanbax Xoogan

0
526

Dad Ka Careysan Darawal Muqdisho Loogu Dilay Nus Dollar Oo Dhigay Banaanbax Xoogan

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Ilaalada Waddooyinka ee taraafikada ayaa duhurnimadii Maanta Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Dabka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Askariga iyo Darawal Mooto Bajaaj uu soo kala dhex-galay muran kooban oo aan faah faahin laga helin, kadibna uu Askariga rasaas si bareer ah ugu furay Darawalkii waday Mooto Bajaajta, isagoona goobta uu dhintay.


HomeWarar
Dad Ka Careysan Darawal Muqdisho Loogu Dilay Nus Dollar Oo Dhigay Banaanbax Xoogan
On Dec 26, 2021 Last updated Dec 26, 2021

Share
Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Ilaalada Waddooyinka ee taraafikada ayaa duhurnimadii Maanta Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Dabka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Askariga iyo Darawal Mooto Bajaaj uu soo kala dhex-galay muran kooban oo aan faah faahin laga helin, kadibna uu Askariga rasaas si bareer ah ugu furay Darawalkii waday Mooto Bajaajta, isagoona goobta uu dhintay.

RELATED POSTS
Maxay Ka Tiri QM Terminalkii Ay Xirtay Dowladda Somalia Ee Garoonka Muqdisho?

Dec 26, 2021
RW Rooble Oo Shaaciyay In Farmaajo Aan Laga Aqbaleynin Inuu Doorashada Ku Takri Falo

Dec 26, 2021
Kulan Looga Hadlaayay Amniga Doorashada Oo Maanta Ka Qabsoomay Kismaayo

Dec 26, 2021
Falka kadib ayaa waxaa Isgoyska dabka ka bilowday banaanbax rabashado watay oo ay dhigeen boqolaal dhalinyaro oo u badnaa Darawalo Mooto Bajaaj, iyagoona xiray oo Isgoyska ku xiray mootiiyin, iyaga oo diiday in halkaasi gaadiid maraan.

Qaar kamid ah dhalinyarada ayaa waxaa mararka qaarkood dhagxaan ku tuurayeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa meel ku dhow Dabka iyo gaadiidka ay wateen ee halkasai kasoo dhawaada, sidoo kalena ay Ciidanka kor u ridayeen rasaas.

Dhalinyarada ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah Ciidanka dowladda, isla markaana ay ku eedeeyeen in si micno daro ah u dilaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, waxa ayna ku baaqeen in Askariga dilkan geestay lasoo qabto lana horgeeyo Cadaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here