Dad Isku Qoys Ah Oo Ku Dhintay Hoobiyeyaal Ku Dhacay Xaafad Ka Tirsan Muqdisho

0
399

Dad Isku Qoys Ah Oo Ku Dhintay Hoobiyeyaal Ku Dhacay Xaafad Ka Tirsan Muqdisho

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa waxaa ay saaka kusoo dhaceen xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir,kuwaas oo la sheegay inay geysteen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in Hoobiyeyaasha ay ku dhaceen Xero Geella lagu Xareeyo oo ku taalla Xaafada Tarabuush ee degmada Wadajir iyo Guri ay deganaayeen dad Shacab ah oo ku yaalla meel u dhow Xarunta Dugsiga Tababarka Janeraal dhegabadan ee Ex Jaziira.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Hoobiye ku dhacay agagaarka Koontoroolka Ciidanka Dowladda ee Xalane ee degmada Wadajir ay ku geeriyoodeen Afar Ruux oo isku qoys ahaa halka Islaan da’aheyd ay ku geeriyootay Xerada Geella taas oo lagu Magacaabi jiray Nuuro Maxamed Cosobow.

Goobjoogayaasha ayaa waxaa sidoo kale ay sheegeen in Xerada ay ku dhimatay Islaanta Waayeesha ah ay sidoo kale ku baaba’een Geel farabadan oo qaarkood la lisaayay xilliga hoobiyaha uu kusoo dhacayay.

Xaalada Xaafada Tarabuush ee degmada Wadajir ayaa Maanta aad u kacsan,waxaana tegay dadweyne farabadan oo qaarkood yaqaanay dadka ku geeriyooday hoobiyeyaasha oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka laga soo tuuray.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi hoobiyeyaasha ah,iyaga oo sheegay inay la beegsadeen Xerada Ciidamada AMISOM ugu weyn ee Xalane,iyada oo laamaha Amniga Soomaaliya weli ka hadlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here