Dad Hor Leh Oo Degaanada Puntland Ugu Geeriyooday Coronavirus

0
522

Dad Hor Leh Oo Degaanada Puntland Ugu Geeriyooday Coronavirus

Tirada dadka deegaanada maamulka Puntland ugu geeriyoodaycudurka Coronavirus ayaa sii kordhaysa waxaana ay gaartay 5 Ruux, kadib markii wasaaradda caafimaadka Puntland ay sheegtay in qofkii 5aad uu magaalada Galkacyo ugu geeriyooday xanuunka.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda caafimaadka maamulkaas ayaa waxaa lagu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay cudurkaan laga baaray 24-ruux waxaana laga helay 13-ruux taas oo ka badan labadii maalmood ee la soo dhaafay sida dadka laga helay fayruska.

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in 13-ka ruux ee laga helay cudurka Corona 6 ka mid ah ay yihiin Rag halka 7 ay dumar yihiin waxaana ay kusii baaqaysaa wasaaradda caafimaadka Puntland in la joogteeyo ka hortagga xanuunkaan.

Dadka laga helay 5- ka mid ah waxa ay joogaan magaalada Galkacyo Gobolka Mudug, 4 ruux waxay joogaan Boosaaso ee Gobolka Bari halka 4 ruuxna ay joogto magaalada Garowe Gobolka Nugaal,Dadka la baaray ayaa da’dooda udhaxeeysay 23 ilaa 33-Sano.

Tirada Dadka xanuunka laga helay Puntland ayaa gaartay guud ahaan 111 Ruux, waxaa dhintay 5 ruux waxaana ka bogsooday 3-ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here