Dad badan oo ku dhintay dooni ku qallibantay webi ku yaalla dalka Madagascar

0
45
A photo taken on July 15, 2021 shows a bridge damaged by trunks and debris following heavy rains and flood in Echtershausen, near Bitburg, western Germany. - Heavy rains and floods lashing western Europe have killed at least 59 people in Germany and eight in Belgium, and many more people are missing as rising waters caused several houses to collapse on July 15, 2021. (Photo by SEBASTIEN BOZON / AFP)

Dad badan oo ku dhintay dooni ku qallibantay webi ku yaalla dalka Madagascar

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku geeriyooday, tiro intaasi ka badan waa lagu la’yahay ka dib markii dooni ay ku qalibantay Wabi ku yaalla dalka Madagascar.

Doonida oo ay saarnaayeen 26 rakaab ah ayaa la kulantay dabeel xooggan iyo dhul go’, taasi sababtay in khasaare uu soo gaaro rakaabkii saarnaa doonta.

Doonta ayaa waxa ay mareysay inta u dhaxeysa Belo sur Tsiribihina iyo Ankalalaobe, oo ah laba magaalo oo ka tirsan gobolka Menabe ee galbeedka Madagascar.

Saraakiisha gargaarka degdega ayaa sheegay in dad kale ay soo badbaadiyeen, isla markaasna xaaladooda hadda ay fiicantahay.

Shilalka dooniyaha qalibma ayaa ka dhaca dalka Madagascar, taasi oo loo sababeeyo cimilada.