Dabbaaldegyo ka socda Donestk & Luhansk oo aqoonsi ka helay Ruushka.

0
348

Dabbaaldegyo ka socda Donestk & Luhansk oo aqoonsi ka helay Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ku dhawaaqay in Gobollada Donetsk & Luhansk u aqoonsaday “Gobollo Madaxbannaan” tallaabadaas waxa ay sii cakirtay xaaladda todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhex taaganeed Ruushka iyo Ukraine.

Vladamir Putin ayaa markii uu ku dhawaaqay go’aankaas waxaa dabbaaldegyo xooggan ay ka billawday Gobol Jasiiradeedka Donetsk oo muddo dheer dhegaha la raaciyay waddan u aqoonsaday Dal madaxbannaan.

Ruushka ayaa diyaariyay ciidan uu ugu talagalay in uu ku xoojiyo Gobolladaan uu ku dagaalgalayo haddii Ukraine ay isku daydo in ay sameyso kahortag gacan militari ah oo ay ku ciqaabeyso Donetsk & Luhansk.

Madaxwaynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo khudbad jeediyay ayaa Xad-gudub aan qiil lagu dulsaari Karin ku tilmaamay go’aanka Dhiggiisa Ruushka, waxa uu dhankisa ku tilmaamay tallaabada Ruushka ku xad-gudb sharafta iyo madax-banaanida dalkiisa.

Mareykanka ayaa si cad uga hor yimid go’aanka Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, Washington ayaa ku tilmaamtay tallaabo sii kordhin karta xiisadda ka taagan Bari Yurub oo sababi karta dagaalka saddexaad ee Dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here