Dab Khasaaro Geystay Oo Ka Kacay Xaafad Ka Tirsan Muqdisho

0
413

Dab Khasaaro Geystay Oo Ka Kacay Xaafad Ka Tirsan Muqdisho

Dab xooggan ayaa la sheegay in uu ka kacay guri ku yalla degmada Deyniile ee gobolka Banaadir waxaana kasoo baxaya faahfaahino kala duwan khasaaraha ka dhashay dabkas.

Sida ay dalsan u xaqiijiyeen dadka deegaanku waxaa dabku uu ka kacay waaxda Barwaaqo ee degmada Deyniile isaga oo qabsaday guri dad rayid ah ay lahaayeen qeybna ka ahaa goob ganacsi.

Dad is abaabulay oo deegaanka ah ayaa ku baxay isla markaana ka qeyb qaadanayay damintiisa iyada oo markii dambe oo dabku xoogeystayna ay goobta gaaren gaadiidka dab damiska.

Ilaa iyo haatan lamasoo werin khasaaro nafeed hase’ahaate waxaa jira khasaaro hantiyadeed oo ilaa iyo haatan aan la xaqiijin inta uu la egyahay sida qoyska guriga leh ay inoo xaqiijiyeen.

Xalay ayay aheyd markii dab xooggan uu ka akacay goob ganacsi oo ku taalla Isgooyska Banaadir ee magaalaada Muqdisho halkaas oo uu ka dhashay khasaario hantiyadeed oo ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here