DAAWO : Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Oo Gaadhey Dalka Vietnam
USA (Dalmar-News):- Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi, Kim Jong Un ayaa maanta tegay magaalada Hanoi ee dalka Vietnam, ka hor kulan madaxeedka labaad ee uu la yeelanayo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Shirkan ayaa la filayaa in waddo loogu jeexo dadaallada la doonayo in hubka Nukliyeerka looga dhigo Korea-da Waqooyi.
Madaxweyne Trump ayaa isna la filayaa inuu magaalada Hanoi ku tago diiyaaradda madaxweynaha ee Air Force One, xilli dambe oo habeenka Salaasada
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan