Cudurka Coronavirus oo mar kale ka dilaacay dalka Shiinaha

0
467

Cudurka Coronavirus oo mar kale ka dilaacay dalka Shiinaha

Shiinaha ayaa la sheegay inuu mar kale ka dilaacay cudurka Coronavirus, iyadoo uu sare u kacay dadka uu soo ridanayo.

Illaa 17 Kiis oo cusub ayaa la diiwaan geliyay, waxaana shan ka mid ah kiisaska laga helay magaalada Wuhan.

Magaalada Wuhan ayaa aheyd halkii uu ka bilowday cudurkan, waxaana kiisaskan ay yihiin kuwo gudaha magaalada ka dhashay oo aanay meel kale uga imaan.

Tiradan ayaa noqotay tii ugu badneyd ee laga helo Wuhan, tan iyo intii dowladda Shiinaha ku dhawaaqday in cudurkaas laga soo afjaray magaalada Wuhan.

Walaaca ku aadan in cudurkan ku sii kordho dalka Shiinaha ayaa soo xoogeysanaya, iyadoo adduunka weli la tacaalayo cudurkaas sidii loo xakameyn lahaa, loogana hortagi lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here