Cuba oo sheegtay in wax walba ku bixineyso sii deeynta dhaqaatiir Al-Shabaab afduubatay

0
500

Cuba oo sheegtay in wax walba ku bixineyso sii deeynta dhaqaatiir Al-Shabaab afduubatay

Dowladda Cuba ayaa sheegtay in wax walba ay ku bixineyso sidii ay dib xoriyadooda ugu heli lahaayeen labo dhakhtar oo u dhashay dalka Cuba oo horaantii sanadkan laga afduubtay gudaha dalka Cuba.

Wasiirka Caafimaadka Dalka Cuba,Jose Angel Portal oo shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda Havana ayaa sheegay in dowladdiisu ay wax kasta ku bixineyso sidii loo siideyn lahaa labada dhaqtar.

Waxaa uu beeniyay wasiirka sheegay in qaar aysan jirin wax madax furasho ah oo ay afduubayaasha weydiisteen dowladda Cuba isaga oo xusay in xitaa haddii ay suuragelineyso siideyntooda ay dowladda bixineyso wax kasta.

Madaxweynaha Dalka Cuba,Miguel Diaz-Canel ayaa hore qadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta,waxaana uu kala hadlay sidii loo fududeyn lahaa siideynta dhaqaatiirta Cuba.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Al-shabaab ay ka dambeeyeen Afduubkaas,waxaana ay meesha ka saartay in ay wax madax furasho ah ku bixineyso siideyntooda iyada oo sheegtay in Ciidamadeeda gaarka ah ay xoog ku soo furanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here