Cimraan Khan oo ka hadlay wararka sheegayey in uu isbahaysi la samaysanyo xisbiga ay iskasoo horjeedaan

0
66



Cimraan Khan oo ka hadlay wararka sheegayey in uu isbahaysi la samaysanyo xisbiga ay iskasoo horjeedaan
February 14, 2024


Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa meesha ka saaray in uu isbahaysi la sameysto xisbiga ay iskasoo horjeedaan ka dib doorashadii guud ee todobaadkii hore.

Cimraan Khan oo xabsiga ku jira ayaa wariyaasha kula hadlay maxkamadda markii ugu horeysay tan iyo markii la codeeyay.

Waxa uu sheegay in aysan jirin cid ka tirsan dowladda oo uu kula kulmay xabsiga, waxa uuna ugu baaqay xisbiyada kale ee aaminsan in doorashada lagu shubtay in ay ku biiraan taageerayaashiisa.

Dawladdu waxay beenisay eedaymaha ku saabsan ku shubashada codka. Musharixiinta uu taageerayo Cimraan ayaa ku guuleystay tirada ugu badan ee kuraasta balse kuma filna in ay soo dhisaan dowlad aqlabiyad ah.