Ciidanka Puntland oo sheegay in ay dileen xubno ka tirsan Daacish
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa ka hadlay dagaal ay la galeen Daacish oo ka dhacay buuraleyda Calmiskaad, gaar ahaan inta u dhaxaysa dooxooyinka Mirale iyo Balade.
Saraakiisha amniga Puntland ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan Daacish, kuwaasoo lagu beegsaday mid ka mid ah saldhigyada buuraleyda Calmiskaad.
Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay in Daacish weli ku harsan yihiin Deegaanka Balade ee gobolka Bari, halkaasi oo ay weli howlgallada ka socdaan.
Saraakiisha ammaanka Puntland ayaa sheegay in xubnaha la dilay ay intooda badan ahaayeen ajaanib, kuwaasoo muddo ku sugnaa buuraleyda Calmiskaad.
Ciidanka Puntland ayaa weli deegaannada buuraleyda ee gobolka Bari ka wada dagaalka Daacish oo laga saarey deegaanno hor leh.