Ciidanka Puntland Iyo Galmudug Oo Hawlgal Wada Jir Ah Ka Fuliyay Gaalkacyo

0
313

Ciidanka Puntland Iyo Galmudug Oo Hawlgal Wada Jir Ah Ka Fuliyay Gaalkacyo

Ciidamada Booliska Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ay sameeyeen Howlgallo ay iska kaashadeen, kuwaasi oo la sheegay in lagu soo qab-qabtay dad lagu tuhmayo in ay gaysteen falal amni darro.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidanku ay howlgallada ka sameeyeen waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha labada dhinac, kuwaasi oo warbaahinta la hadlay xilli ay ku guda jireen Howlgalka.

Waxaa la sheegay in Howgalka oo ahaa mid Qorsheysan lagu soo qab-qabtay dhowr qof oo looga shakisan yahay in ay Magaalada Gaalkacyo ka gaysteen falal amniga lid ku ah, waxaana la sheegay in haatan ay socdaan baaritaanno lagu sameynayo dadka howlgalka lagu soo qabtay.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa inta badan waxaa ka dhaca falal amniga lid ku ah, waxaa dhowr jeer ka dhacay Qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo loo gaystay Mas’uuliyiin kala duwan, waxaana inta badan falalka ka dhaca Gaalkacyo dusha saarta Dagaalamayaasha Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here