Ciidanka Israaiil oo ku dhowaad 100 qof oo rayid ah Dad rayid ah ku dilay Magaalada Gaza

0
37

Ciidanka Israaiil oo ku dhowaad 100 qof oo rayid ah Dad rayid ah ku dilay Magaalada Gaza

Duqeymo loo adeegsaday Diyaaradaha dagaalka & hubka culus ee taangiyada laga tuuro ayay Ciidanka Israaiil ku beegsadeen Xaafado kamid ah Bartamaha Magaalada Gaza waxaana ku dhintay in ka badan 80 ruux oo Falastiiniyiin ah.

Dadka dhintay ayaa u badan Haween, Carruur & Dad da’ ah oo horay uga soo barakacay colaadda Ciidanka Yuhuudda waxaana markaan lagu beegsaday goobo ay gabbaad ka dhiganayeen sida ay sheegeen qaar kamid ah Dadkaas.

Waaxda Caafimaadka Magaalada Gaza ayaa kusoo warrantay in dad ka badan 200 oo ruux ay ku dhaawacmeen duqeyntaas iyada oo aanay la hayn daawadii lagu baxnaanin lahaa iyo goobihii lagu dabiibi lahaa maadaama ciidanka Israaiil ay burburiyeen.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa walaac ka muujiyay dhibaatooyinka ay geysanayaan Ciidanka Israaiil oo aanay u kala soocneen goobaha ka caaggan dagaallada in Dadka ku sugan lagu beegsado.

Israaiil ayaa horay u laabtay bogagga Xuquuqda Aadanaha ee furnaa kuwaas oo soohdimo iyo aag adag ka dhigay goobaha Caafimaadka, Waxbarashada, Barakacayaasha & kuwa Cibaadada kaddib markii si bareer ah ay u burburiyeen dadna ugu dileen.