Ciidanka Israaiil oo Carruur ku duqeeyay Iskuul ku yaalla Magaalada Gaza

0
69

Ciidanka Israaiil oo Carruur ku duqeeyay Iskuul ku yaalla Magaalada Gaza

Ciidanka Israaiil ayaa duqeyn culus ku beegsaday labo Iskuul oo ku yaalla Magaalada Magaalada Gaza waxaana ku dhintay ugu yaraan 30 qof oo Carruur ah halka ay dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan sida lagu muujiyay warbixin arrintaas laga soosaaray.

Carruurtaan ayaa ku sugnayd Iskuullada lagu kala magacaabo Xasan Salaama iyo Nasar halkaas ay uga gabbaadsanayeen duqeynta arxan-darrada ah ee Ciidanka Yuhuudda ay ku beegsadeen goobahaan Waxbarashada u gaarka ah.

80% Dadkii ugu dambeeyay ee ku dhintay duqeynta Israaiil ee Magaalada Gaza waxa ay ahaayeen Carruur, qaar kale ayaa dhaawacyo kala duwan soo gaaray kuwaas oo aan gacanta lagu hayn agabkii iyo daawadii lagu baxnaanin lahaa.

Militariga Israaiil oo dib isaga baxay xaafado badan oo katirsan Magaalada Gaza waxa ay billaabeen in ay duqeyn xooggan oo qaarkood ay ka ridayaan Taangiyada iyo kuwa goobta oo meelo fog-fog kasoo tuurayaan.