Ciidanka ATMIS oo maanta 16-sano kaddib ka guuraya Madaxtooyada & Xafiisyada Madaxda Qaranka.

0
106

Ciidanka ATMIS oo maanta 16-sano kaddib ka guuraya Madaxtooyada & Xafiisyada Madaxda Qaranka.

Ciidamada Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika ATMIS ayaa maanta oo ah 17ka Deseembar 2023 waxa ay si rasmi ah u wareejinayaan mas’uuliyadda Amniga Madaxtooyada Soomaaliya & Xafiisyada Madaxda Qaranka.

Askarta ATMIS ayaa si gaar ah u wareejinaya Amniga Xafiisyada Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha waxaana si rasmi ah ula wareegaya Ciidamo Dowladda Federaalka ay u diyaarisay in ay dusha saartaan mas’uuliyadda nabadgalyada goobahaas.

Madaxda Dowladda Federaalka, hoggaanka ugu sarreeya Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS & Saraakiisha Ciidanka Qaranka ayaa ka qaybgalaya Munaasabadda xil-wareejinta oo maanta ka dhacaysa Madaxtooyada Soomaaliya.

Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa sheegay in ciidamadaan afrikaanka ah ay ka guurayaan Goobahaan katirsan Xeendaabka Madaxtooyada taasi oo muujineysa in ciidamada Qaranka ay awood buuxda u leeyihiin sugidda Amniga.