Ciidamo cusub oo ka socda Qaramada Midoobay oo soo gaaray Muqdisho

0
474
James Swan, the UN Secretary-General's Special Representative for Somalia inspects a guard of honor mounted by Ugandan soldiers serving under the United Nations Guard Unit (UNGU), during hand over/take over ceremony held in Mogadishu, Somalia on July 25, 2019.UN Photo/Ilyas Ahmed

Ciidamo cusub oo ka socda Qaramada Midoobay oo soo gaaray Muqdisho

Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo u dhashay dalka Uganda ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

Munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu qabtay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdiso ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan,taliyaha Ciidamada lugta Uganda Sareeye Guuto General Peter Elwelu iyo madax kale.

Ciidamadan oo tiradoodu gaareyso 625 askari ayaa 89 ka mid ah waxa ay yihiin haween waxaana loogu talogalay in ay ilaaliyaan Xarumaha UN-ka Shaqaalaha iyo saraakiishooda.

Taliye kuxigeenka Ciidanka dhulka dalka Uganda Kornayl Bainomugisha ayaa munaasabadan ka sheegay in si xirfad ahaan ah iyo weliba si hufan ugu shaqeyn doonaan waajibaadyada loo igmaday.

Imaanshaha ciidamadan ka socda Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku soo beegmeen iyadoo ururka Al-Shabaab uu sheegay in ay qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ay ku doonayeen inay ku dilaan Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

James Swan, the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia inspects a guard of honor mounted by Ugandan soldiers serving under the United Nations Guard Unit (UNGU), during hand over/take over ceremony held in Mogadishu, Somalia on July 25, 2019.UN Photo/Ilyas Ahmed
James Swan (left), the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia hands over a UN flag to Lt. Colonel Nathan Bainomugisha, the Incoming Commander of the United Nations Guard Unit VI during hand over/take over ceremony held in Mogadishu, Somalia on July 25, 2019.UN Photo/Ilyas Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here