Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in magaalada Los Angeles loo diro 2,000 oo askari oo ah Ciidanka Ilaalada Qaranka, si ay uga qeyb qaataan xakameynta rabshado ka dhacay halkaas kaddib markii ICE ay qaaday howlgal ballaaran oo lagu beegsanayay muhaajiriinta aan sharciga haysan.
Rabshadahan ayaa ka bilaawday carada ka dhalatay xarigga dad badan oo Latin Ameerikaan ah ah oo lagu qabtay xaafadda Paramount ee magaalada Los Angeles .
Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo ay sii xoogeysanayaan mudaharaadyo ay dhigayaan dadka deegaanka, kuwaasoo ka dhiidhinaya sida ICE u fulinayso howlgallada.
Guddoomiyaha gobolka California, Gavin Newsom, iyo duqa magaalada Los Angeles, Karen Bass, ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada Trump, iyagoo ku tilmaamay “mid xaaladda kicineysa” oo aan xal u keeneyn bulshada.