Ciidammada badda ee Israa’iil oo joojiyay doonyo gargaar sida oo ku wajahnaa Qasa iyo banbaanbaxyo caalami ah oo ka dhashay
Ciidanka badda Israa’iil ayaa joojiyay doonyo gargaar u waday Qasa waxaana la xidhay dadkii doontaas saarnaa oo ay ka mid tahay Greta Thunberg oo ah gabadh u ololaysa deegaanka kana timid Sweden.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa sheegtay in si nabad ah loo joojiyay dhowr doonyood oo ka tirsan doonyaha la baxay Flotilla Global Sumud (GSF) islamarkaana dadka saarnaa lagu wado deked Israel ku taalla.
Waxay sidoo kale sheegtay in ciidanka badda Israa’iil ay doonayaasha ku amreen in ay jihada beddelaan, maaddaama ay ku soo wajahnaayeen “aag dagaal ka taagan yahay”.
Kooxda GSF ayaa ku tilmaantay joojintaas “sharci-darro” iyo “mid aan ahayn isdifaacid”, balse ay tahay “fal liidasho ah”.
Kooxdu waxay ku eedeysay in mid ka mid ah doonyaha doonyaha flotilla si ula kac ah loo beegsaday xilli ay badda ku sugnaayeen, waxayna intaa ku dartay in doonyo kale lagu hafiyay biyo aad u xooggan .