Ciidamada Ruushka oo Magaalada Mariupol ku xiray Dhaqaatiir & Bukaanno ay daweynayeen.

0
358

Ciidamada Ruushka oo Magaalada Mariupol ku xiray Dhaqaatiir & Bukaanno ay daweynayeen.

Ku xigeenka Duqa Magaalada Mariupol ayaa sheegay in Ciidamada Ruushka ay xireen 400 oo ruux oo ay ku jiraan Dhaqaatiir iyo bukaanno dhaawac kasoo gaaray duqeynta Ruushka oo daryeel caafimaad loo fidinayay.

Waxa uu welwel ka muujiyay halka la geeyay iyo waxa ay ku dambeyn doonaan Dhaqaatiirtaan oo u istaagay baxnaaninta bukaannada waxyeellada kasoo gaartay Duqeynta culus uu Ruuska ku garaacayo Maalintii 21aad.

Ciidamada Ruushka oo damacsan in ay kusii siqaan Magaalooyin dhowr ah ayaa adeegsanaya duqeyn xooggan oo ah gantaallo culus & diyaaradaha oo hub culus ku beegsanaya Dabaqyada dhaadheer oo qaarkood dab uu ka kacay.

Duqa Kyiv Vitali Klitschko ayaa dhankiisa ku dhawaaqay Bandow 35 saac soconaya oo la geliyay Caasimadda Ukraine, waxa uu ku sifeeyay in “Xaalad adag ay gashay Magaalada sidaas awgeed loo baahday in laga hortago khatarta kusoo wajahan”.

Magaalada Dekedda leh ee Mariupol waxaa ku go’doomay qaar kamid ah Dadka Magaaladaas oo duqeynta culus iyo dagaalka tooska ah u suuragelin waayay in ay isaga baxaan inkasta oo ay jiraan shaqsiyaad aan badneen oo si silac ah u baxsaday.

La taliyaha Madaxweynaha Ukraine oo lagu magacaabo Mykhailo Podolyak ayaa sheegay in wadahadalka Ruushka ay la wadaan uu sii socon doono si looga gungaaro rejada laga qabo in lasoo afjaro dagaalka daba-dheeraaday.

Xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg ayaa ku baaqay shir aan caadi ahayn oo isbahaysiga ay isugu yimaadaan 24ka Maarso 2022 si looga hadlo duullaanka Ruushka ee Ukraine oo Dunida oo dhan geliyay sicir barar iyo welwel xooggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here