Ciidamada Ruushka Oo Afduubtay Duqa Magaalo Dhacdo Ukraine Iyo Caro Ka Dhalatay

0
395

Ciidamada Ruushka Oo Afduubtay Duqa Magaalo Dhacdo Ukraine Iyo Caro Ka Dhalatay

Dadka ku nool magaalada koonfurta ku taalla, Melitopol ee dalka Ukraine ayaa isugu soo baxay waddooyinka si ay uga mudaaharaadaan “afduubka” ciidamada Ruushka ay u geysteen duqa magaaladaas.

Ciidamada Ruushka ee qabsaday magaalada ayaa afduubtay duqii Melitopol, Muuqaal la soo duubay ayaa muujinayay dadka oo ku dhawaaqaya “no soo celi maayarkeena”

Dadweynaha oo ka careysan falkaas ayaa xiray waddooyinka gala xarumaha maamulka deegaanka, oo ku yaala bartamaha magaalada, iyagoo dalbanaya in si degdeg ah loo sii daayo Ivan Fedorov, oo ah duqa magaalada Melitopol.

Saraakiisha Ukraine ayaa Jimcihii baahiyay muuqaal muujinaya Fedorov oo lagala baxayo xafiiskiisa isagoo indhaha ka xiran.

Waxaana la sheegay in sababta ay u afduubteen ciidamada Ruushka ay tahay in uu diiday in uu la shaqeeyo maadama ay iyagu halkaa qabsadeen.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo mayarka magaalada Melitopol.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here