Ciidamada Puntland oo boqolaal dhalinyaro ah ku soo qabtay howlgal ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo

0
540

Ciidamada Puntland oo boqolaal dhalinyaro ah ku soo qabtay howlgal ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa soo gabagabeeyay howlgal saacado badan qaatay oo ay ka sameeyeen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyadoo howlgalka lagu soo qabtay boqolaal dhalinyaro ah.

Howlgalka oo soo bilowday gelinkii dambe ee Talaadadii shalay ayaa waxaa sameynayay Ciidamada Daraawiishta Puntland, iyadoo sidoo kale howlalka lagu galay guryo ku yaala magaalada oo u muuqday kuwo la soo farmuuqay.

Dhalinyarada la soo qabtay oo la isugu geeyay meel fagaare ah ayaa lagu sameeyay shaandheyn, iyadoo markii dambe laamaha ammaanka ay kaxeysteen kuwo aad loo tuhmay oo lala xiriiriyay falalka amni darro ee todobaadyadii u danbeeyay ka dhacayay xarunta gobolka Mudug.

Isu socodka Gaadiidka iyo goobaha ganacsiga oo intii baaritaanadu socday hakad galay, ayaa saaka dib u bilowday, iyadoo Ciidamada ay dib ugu laabteen fariisimihii ay ka soo baxeen.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni oo dhowr jeer ay gaartay cabashada amni darrada magaalada, ayaa amray Saraakiisha amaanka in wadajir mar kaliya howlgal saf balaaran leh ay uga sameeyaan maaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Dhowaan Magaalada Gaalkacyo ka dhacay shir ku saabsan Ammaanka Magaalada oo ay yeesheen Madaxda Gobolka Mudug, Kuwa Magaalada Gaalkacyo iyo saraakiisha Ciidamada Daraawiishta ayaa isku raacay in howlgalka Gaalkacyo uu noqdo mid lagu uruurinayo hubka xaafadaha yaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here