Ciidamada Mareykanka & Kenya oo howlgal ka dhan ah ‘AS’ ka fuliyay Ismaamulka Lamu.

0
291

Militariga Mareykanka ee taageerada siiya Ciidanka Kenya ayaa howlgal wadajir ah waxa ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga Gobolka Lamu si ay uga hortagaan weerarrada & dhaqdhaqaaqa ay wadaan dagaalamayaasha ‘AS’.

Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa si cad u sheegtay in ay ka go’an tahay sidii loo xoojin lahaa amniga Gobolka Lamu oo saldhig weyn ku leeyihiin ciidamada Ameerikaanka ah iyo kuwa Kenya si ay uga hortagaan duullaan uga imaada ‘AS’ waa sida hadalka loo dhigay.

Waxaa ka horreeyay dhoolatus Militari oo wadajir ay u sameeyeen ciidamada Mareykanka iyo Kenya oo ay ka qaybgaleen diyaaradaha Militariga gaar ahaan kuwa qumaatiga u kaca & kuwa Xamuulka Militariga qaada.

Washignton ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay sidii ay gacan uga geysan lahayd xoojinta Amniga Bariga Afrika si looga adkaado dagaalamayaasha ‘AS’ ee weerarrada ka geysanaya Soomaaliya iyo waddamada kale ee deriska la ah.

Ciidamada Kenya ee dhoolatuska & howlgalkaan ka qaybgalay waxaa tababaray oo qalabeeyay Militariga Mareykanka si ay wadajir ugu wada howlgalaan deegaannada dhaca Xadka Soomaaliya uu la wadaago waddankaas.

Askarta Kenya ayaa Soohdinta Soomaaliya kasoo tallaabay sanadkii 2011kii kaddib markii Xukuumadda Nairobi ay ku doodday in ay kahortageyso weerarrada, Afduubka & Gawaarida laga soo qafaasho dalkeeda.

12kaas sano oo Ciidamada Kenya ay joogaan Gudaha Soomaaliya waxa ay taageero ballaaran u raadineysay sidii ay u heli lahayd Dalal ku garab istaaga dagaalka ay ku wajahayso ‘AS’ oo sanadihii dambe Xukuumadda Nairobi ay tilmaamtay in culeys kala kulantay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here