Carruurta oo loo ogolaado Isticmaalka Baraha Bulshada maxaa dhibaato ah oo kasoo gaari karta?

0
118

Carruurta oo loo ogolaado Isticmaalka Baraha Bulshada maxaa dhibaato ah oo kasoo gaari karta?

Dalal badan oo Caalamka waxaa sanadihii u dambeeyay aad loo daraaseynayay raadinta dhibaatooyinka ka dhalan kara in Carruurta loo ogolaado isticmaalka Baraha Bulshada si lamid ah Dadka qaangaarka ah.

Mareykanka waxaa miiska lasoo dhigay dood la xiriirta carruurta haddii loo ogolaado in ay isticmaalaan Baraha Bulshada waqtiyada ay fursadaha u helaan iyo waxa ka dhalan kara iyada oo xoogga la saaray dhanka Caafimaadka.

Dr Vivek Murthy oo kamid ah Dadka doodda ka qaybgalay ayaa sheegay in aanay wanaagsaneen caafimaad ahaan in carruurta loo ogolaado isticmaalka Baraha Bulshada si lamid ah Dadka waaweyn.

Waxa uu dhibaatada ugu yar ee ka dhalan karta ku sifeeyay in Carruurtu ay awoodi waayaan in ay cunnada cunaan iyaga oo ka doorbidaya ku xirnaanta baraha Bulshada bulshada ama isticmaalka goobtaas.

Arrinta labaad ee uu shaaca ka qaaday Dr Vivek waa in Carruurtu ay waayaan kalsoonida cunnada maadaama suuragal ay tahay in uu daawado ama uu arko waxyaabo kalsooni darro gelin kara cunnadaas.

Waalidiinta ayuu usoo jeediyay in xitaa koritaanka Maskaxda Carruurta ay dhaawac u geysan karto arrintaan, dhafar (Soo jeed badan) iyo indhaha oo xannuuna ay isugu darsamayaan taasina aanay wanaagsaneen caafimaad ahaan.

Shirkadaha koontooyinka laga sameysto sida Facebook ayaa da’ ku xirta qofka raba in uu akoon ka sameyso waxaana laga reebay in koonto uu furan karo carruur ama qof da’ ahaan ka yar da’da shirkaddaas ogoshahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here